Xaalada caafimaad ee Abwaan Sangub oo laga deyrinaayo (SAWIRRO)

Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, waxaa la dhigay Abwaan Maxamuud C/lahi Ciise (Sangub) oo muddooyinkii dambe ku xanunsanaayay Magaalada Muqdisho.

Xaalada Abwaanka oo laga deyrinaayo ayaa saaka waxaa Isbitaal Digfeer ku booqday Abwaan Cismaan C/lahi Guure iyo Wariye C/Maalik Coldoon, kuwaasi oo u kuurgalay Xaalada Abwaanka.

Muddooyinkii dambe Abwaan Sangub ayaa ka cabanaayay xanuuno ay ka mid yihiin Sonkor iyo Dhiigkar, iyadoo hada xaalada Abwaanka ay tahay mid aanan wanaagsaneyn sida ay sheegeen dadkii Isbitaalka ku booqday.

Xanuunada uu la liito Abwaanka ee Isbitaalka lala dhigay ayaa la sheegay markii lagu qalay inay ku qarxeen, taasi oo keentay in xaaladiisa caafimad ay sii xumaato Abwaanka.

Abwaan Sangub ayaa ah Guddoomiyaha Golaha Abwaanada Somaliyed, waxaana xilligaan uu u baahan yahay gurmad Bini’aadinimo oo uu ka doonaayo shacabka Somaliyed.

sangub-1 sangub-2 sangub-3