Wararkii ugu dambeeyay hooyo caruurteeda sun siisay duleedka Wanlaweyn

Dhacdo dad badan ay aad u hadal hayaan ayaa habeenkii xalay ahayd ka dhacday deegaan 17-km dhanka bari kaga beegan ku dhow degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose, kadib markii hooyo ay dawo ahaan carruurteeda u siisay sunta lagula dagaallamo cayayaanka dhilqaha.

Aabaha dhalay caruurtan ayaa la sheegay in uu Degmada Wanlaweyn ka iibiyay dawo u badan sharoobooyin si loo siiyo ciyaalka oo xanuunsanaa, waxaana sidoo kale horay usii gatey sunta dhilqaha.

Cali Yusuf Aaden, oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay, in markii aabahan uu tagay hoygiisa uu ku amray hooyadii dhashay caruurta inay daawada siiso, balse iyadoo aan kala aqoon baa la sheegay in Saddex cunug oo ay dhashay siisey suntii meesha ku jirtey.

Labo ka mid ah carruurtii suntan cabay waa ay geeriyoodeen, halka mid kalena la sheegay in xaaladiisa ay aad u liidato.

Waa dhacdo ay dad badan ka naxeen, iyadoo Aabihii iyo hooyadii dhalay caruurtan illaa hadda uu hadal kasoo bixi la yahay, naxdinta awgeed.

Dadka ku sugan dhulalka baadiyaha ayaa u nugul in sidan oo kale u isticmaalaan sun, sababtuna waxay tahay iyadoo aan laga feejignaan suntan meelaha la dhigayo iyo in la eego dawada la qaadanayo.