Rag xeelad la yaab leh ku dhacay Malaayiin dollar oo maxkamad lagu soo taagay Nanjing

Maxkamad ku taalla magaalada Nanjing, ee Shiinaha ayaa amartay in la xiro laba nin oo lagu eedeynayo inay dadka ku khayaameen bangi been ah, si ay lacagtooda u dhigtaan.

Ragga, oo lagu kala magacaabo Zeng iyo He, ayaa lagu helay dembi ah inay jeebka isaga riteen $63 milyan oo dollar lacagtaasoo ay lahaayeen illaa 400 oo macaamiil oo bankiga beenta ah lacag dhigtay.

Bangiga beenta ah oo loo bixiyay co-operative, waxaa loo ekeysiiyay gudihiisa banki dowladdu leedahay, wuxuuna lahaa dad lacagta qabto ama bixiyo, dhar iyo warqado la mid ah kuwa bangiga dowladda.

Dad badan oo Shiinaha ku nool ayey arrintan ku noqotay fajac iyo la yaab, Waxaana dad badan ka sii yaabiyey in Bankigan uu muddo shaqeynaayay iyadoo aana la ogaan.

Labada nine ee falkan khiyaamada ah ku kacay ayaa la filayaa in lagu xukumo min sagaal illaa toban sano oo xabsi ah.