Qabashada Araajida Musharrixiinta Guddoonka Sare ee Baarlamaanka oo la soo gaba gabeeyay

Waxaa maanta ku eg qabashada Araajida Musharrixiinta isu soo taagay qabashada xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya.

Illaa hadda waxaa gudbistay Araajidooda Musharrixiin kala duwan oo isku sharraxay Guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa.

Waxaana dadka is diiwaan galiyay ugu horreeya:-

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Cabdirashiid Maxamed Xidig.

Xildhibaan Xuseen Cismaan Xuseen iyo kuwa kale oo isku soo taagay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Halka Guddoomiye ku xigeenna ay isku sharraxeen dad ay ka mid yihiin.

Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqaadir.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.

Iyo weliba  Mahad Cabdalla Cawad.

Si kastaba 11-ka illaa 12-ka Bishaan January 2017 ayaa la filayaa in ay qabsoomaan Doorashooyinka Guddoonka sare ee Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.