Q.Midoobey oo shaacisay Tiradda Badmaaxiinta Shisheeyaha ee lagu haysto gudaha Somalia.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee uu Xilligiisu dhamaaday, Ban Ki-moon waxa uu xalay Warbixin Qoraal ah u guddbiyey Golaha Ammaanka ee QM oo uu kaga hadlay La-haystayaasha Shisheeyaha ee ay Burcad-baddeeda Soomaalida weli u haystaan si ay uga helaan Lacago madax-furasho ah.

Qoraalka Ban Ki-moon oo ka koobnaaa 18 Bog, waxa lagu xusay inay 44-ka Badmaax ee afduubka loogu haysto Xeebaha Waqooyi bari ee Somalia , iyadoo 5 La-hayste u dhasheen dalka Kenya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Hal La-hayste oo Kenyan yahay qofka keliya ee ay Burcad-baddeeda sii daayeen sannadkan 2016-ka.

NInkaasi oo lagu magacaabo James Gadhamba ayaa waxaa la sii daayey bishii Feberaayo ee sannadkan, kadib, markii ay Ciiddanka Ammaanka ee Galmudug weerar ku qaadeen Burcad-baddeedii uu u afduubnaa.

Haweeney Kenyan oo la socotay Ninka la soo daayey waxay Burcad-baddeeda ku gacan galeen bishii November ee sannadkii hore, xilligaasi oo  ay Shixnad Daawooyin u soo wadeen gudaha Somalia.

Dhinaca kale, Warbixinta Ban Ki-moon u gudbiyey Golaha Ammaanka laguma qeexin magacyadda Badmaaxiinta La-haystayaasha u ah Burcad-baddeeda Soomalida, balse waxa uu caddeeyey in Madax-furasho ahaan loo haysto 44-ka Badmaax.