Magaca iyo Sawirada ninkii Toogashada ka geestay Garoonka Fort Lauderdale oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Ciidamada booliiska gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay askari katirsanaa ciidanka Mareykanka oo xalay toogasho uu dad badan ku dilay ka geestay garoonka Diyaaradaha Fort Lauderdale .

Askariga dilka geestay oo watay qoray sharciyeesan ayaa magaciisa lagu sheegay Esteban Santiago oo 26-sano jir ahaa, askarigan ayaana markii uu qoraga kala soo degay Diyaarad uu la socday waxa uu rasaas xoogan ku furay dadkii ku sugnaa garoonka.

Toogashadaasi waxaa ku dhintay 5-qof halka ay ku dhaawacmeen 8-qof oo kale, waxaana markii dambe ninkan gacanta ku dhigay ciidamada booliiska oo hada wada baaritaano ku aadan weerarka uu geestay.

Esteban Santiago ayaa la sheegay in uu horey uga soo dagaalamay dalka Ciraaq , waxaana askarigan uu ka cabanayay in lagu qasbay in uu ka dagaalamo dalka Ciraaq sidoo kale uu daawado muuqaalo argagax leh ay soo duubaan Kooxda Daacish.

Warbaahinta dalka Mareykanka oo soo xiganeysa saraakiil ayaa sheegeysa in wererarkan uusan u muuqan mid argagaxiso, waxa ayna Warbaahinta tilmaameen in ay suurto gal tahay in askarigan dilka geestay madaxa looga jiro .

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in askarigan dilka ka geestay gobolka Florida laga eryay xerada ciidanka ee Alaska National Guard , kadib markii lagu eedeeyay in waajibaadkiisa shaqo uu gudan waayay.

Nin la dhashay askarigan xalay toogashada ka geestay garoonka Diyaaradaha magaalada Broward County ee Fort Lauderdale -Hollywood ayaa sheegay in walaalkiis madaxa looga jiray uuna qaadanayay daawooyin dhinaca dhimirka.

santi_1 santi_2 santi_3 santi_4 santi_5