Khudbadihii guddoonka baarlamaanka oo la soo gabagabeeyay

Waxaa inta badan la soo gabagabeeyay khubadiihii ay jeedinayeen musharixinta u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta hor tagay xildhibaannada baarlamaanka cusub.

Xildhibaannada maanta khubadahooda ka hor jeediyay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxaa ka mid Prof Max’ed Cismaan Jawaari iyo C/rashiid Max’ed Xidig oo ka mid ah musharixiinta ugu cad cad guddoonka baarlamaanka.

Siddoo kale, waxaa ka mid ah xildhibaannada khudbadahooda jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaan Khadiijo Max’ed Diiriye iyo Faarax Sheekh C/qaadir oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka guddoomiye ku-xigeenka koowaad.

Musharixiinta ayaa mid walba oo ka mid ah u ka jeediyay gollaha barlamaanka ajandihiisa siyaasadeed haddii loo doorto guddoonka baarlamaanka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii,  11-12 bishan ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xgeennadiisa sida ay horay u sheegeen guddiga qaban –qaabada doorashada.

– See more at: http://www.hiiraan.com/news/2017/Jan/wararka_maanta8-129212.htm#sthash.rZRAVqQa.dpuf