Jilaa Caan Ka Ahaa Aflaanta Hindiga oo geeriyooday (Akhri Magaciisa)

Jilaaga caanka ah ee u dhashay Hindiya, Om Puri, oo aflaantiisa ugu caansan uu ka mid ahaa East is East, ayaa dhintay, sida mid ka mid ah qoyskiisa uu u sheegay BBC-da.

Jilaaga waxaa ku dhacay wadna xanuun Jimcihii, waxaana la dhigay gurigiisa oo ku yaalla Mumbia, sida wararka ay sheegayaan.

Om Puri, oo jilay aflaan caalami ah iyo kuwa gudaha Hindiya oo keli ah loogu talagalay, waxaa lagu garanaayay gurxankiisa iyo qeylidiisa aflaanta ee 1980-maadkii.

 

Wuxuu sidoo kale jilay aflaan British ah, oo uu ka mid ahaa mid ku saabsanaa Mahatma Gandi.

Om Puri wuxuu aad caan ugu ahaa aflaan ku saabsanaa Hindiya, Pakistan, Britain iyo aflaan caadi ah oo.

Wuxuu door weyn ka ciyaaray shirkadda Hollywood aflaanta ay sameysay. Sanadkii 2004 ayuu ku guuleystay abaalmarin heer sare ah.

om-puri-1 om-reactions-story_647_010617095445

Om Puri dadka uu aflaanta la jilay waxaa ka mid ahayd Helen Mirren oo ay isla sameeyeen filimka The Hundred-Foot Journey.

Om Puri wuxuu ka qeybgalay filim sheeko ahaa oo BBC-da ay sameysay

Arrinta illaa iyo hadda laga sheekeeyo ayaa ah doorkiisii filimka uu soo saaray Govind Nihalani ee lagu magacaabo Aakrosh.

Wuxuu filimkaasi metelaayay nin reer baadiye ah oo si qaldan loogu eedeeyay dil, arrintaas ayaa shactiro lahayd.

Majaajiladiisa kale ee lagu qoslo waxaa ka mid ah, askeri ku jiray filimka Ardh Satya oo uu garaacay.

_93285573_a8046251-bfe9-4ae1-9a52-419940b9522f

Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ka tacsiyeeyay geerida jilaaga.