Guddoomiyaha Diinsoor oo sheegay in la soo qabtay Rag Dil ka geystay Degmada

Guddoomiyaha Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, Ibraahin Maxamed Nuur ayaa ka warbixiyay rasaas uu furay Guddoomiyaha Isboortiga ee Degmadaasi, waxuuna sheegay in Guddoomiyaha uusan walaalkii aheyn Ninkii falkaasi ka dambeeyay.

Guddoomiyaha Degmada ayaa tilmaamay in gacanta lagu soo dhigay Raggii ka dambeeyay rasaastii lagu furay dhalinyarada kubadda ku cayaareysay Garoon ku yaalla Degmada Diinsoor.

Dhinaca kale, Guddoomiye Ibraahin Maxamed Nuur ayaa waxuu tibaaxay in dhaawacyada labo Ruux la geeyay Isbitaal ay gacanta ku hayaan Ciidamada AMISOM.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qeexay in dhaawacyada la keeni doono Magaalada Muqdisho hadii wax loogu qaban waayo Isbitaalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa ku soo aadaya kadib markii dhawaan Guddoomiyaha Dhalinyarada Isboortiga uu rasaas ku furay dhalinyaro kubad ku cayaareysay Garoon ku yaalla Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.