Gacan ka hadal mar kale dhex maray Baarlamaanka Somaliland & Xildhibaano wali isku kacsan (Daawo Muuqaal) .

Baarlamaanka maamulka Somaliland ayaa maalmahaan dambe waxa uu noqday goob fowdo ah oo mar kaste la isku gacan qaado ka dib markii qaar ka mid ah Xildhibaanada Salaanta iska qaadi waayeen .

Xildhibaanada xisbiga Kulmiye ayaa inta badan diida in laga daba hadlo waxeeyna gacan ka hadal iyo tuuryo iskugu daraan Xildhibaanada kale ee codkooda dhiibanaya . Qaar ka mid ah Xildhibaanada wakiilada Somaliland ayaa waxaa la sheegay in mudo ka badan hal sano inaysan Salaanta iska qaadin taas oo soo dadajineysa dagaal iyo buuq baarlamaanka dhexdiisa ah .

Xili la loo codeenayay dajinta miisaaniyada sanadka 2017 ayaa waxaa Baarlamaanka Somaliland fowdo iyo dagaal ka dhex kiciyay xildhibaanada ugu caansan ee ka socda dhanka Xisbiga Kulmiye kuwaas haya talada maamulka Somaliland .