DEG DEG:Abwaan Caan ah oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa+Magaciisa….

Allaha u naxariistee waxaa Maanta Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ku dhintay Abwaan Maxamed Jaamac Keyd oo kamid ahaa Abwaanada Soomaaliyeed ee Dalka sida weyn looga yaqaano.

Abwaan Keyd ayaa u dhintay Xanuun Mudooyinkii danbe uu la jiifay sida ay noo xaqiijiyeen Ehelkiisa.

Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Cabdi Dhuux Yuusuf ayaa Tacsi u diray Ehelka iyo Qaraabadii uu ka tagay Abwaan Maxamed Jaamac keyd.