DAAWO: Wareysi Xasaas ah oo uu bixiyey Afhayeenka Al-Shabaab & Su’aalo kulul la hordhigay

Afhayeenka Kooxda AlShabaab Sheekh Calli Maxamed Raage (Cali dheere) ayaa wareysi dheer siiyay Tv-ga Al-Jazeera isagoo kaga hadlay arimo xasaasi ah.

Cali Dheere ayaa la weydiiyay su’aalo adag oo ay kamid yihiin in kooxdiisa AlShabaab ay ku guuldarerysteen dagaalkii ay kula jireen ciidamada Amisom iyo DF Soomaaliya.

Afhayeenka AlShabaab ayaa shaaca ka qaaday in qorshahooda uu dheeryahay isla markaana ay doonayaan iney maamulaan oo ay diinta islaamka gaarsiiyaan dhamaan bariga Afrika.

Wareysigan oo ka baxay AlJazeera ayaa sidoo kale waxaa uu Cali dheere kaga hadlay iney shacab badan ku laayeen weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah oo ay qaadeen.