Daawo Sawirro: Maqaayad laga helo cashada dunida ugu qaalisan oo la furay (Qiimaha)

Maqaayad loogu magac daray Ce La Vi ayaa laga furay dalka Singapore, waxaana maqaayadaas iska leh shirkad Dheemanka sameysa oo laga leeyahay dalka Russia taasoo lagu magacaabo World of Diamonds.

Waxaa Mayaaqadan ay fursad u siineysaa lamaanayaasha ugu nasiibka badan cashada ugu qaalisan adduunka oo ay hal habeen isla qaataan iyo waqti macaan.

Qiimaha lacagta ee la iibinayo cashadaas halka habeen waa labo milyan oo dollar, waana qiimo aad u sarreeya, waa xaqiiqo iney tahay cashada ugu qaalisan adduunka ee uu shaqsi hal habeen fadhiga uga kici karo, laakiin casho kaliya maaha waxaa jirta hadiyad kale qaali ah.

Shirkadda World of Diamonds ayaa waxay dhowaan soo bandhigtay faraanti dheeman ah oo loogu magac daray Jane Seymour.

Lamaanahan ayaa marka ay wada qaataan casho soconeysa Sideed saacadood waxaa gacanta laga saari doonaa faraantigaas dheemanka ah ee loogu magac daray Jane Seymour.

Dad badan ayaa la yaabay cashaqada qaaliga ah ee maqaayadan lagu iibiyo, iyagoo u qaatay sheeko dhalanteed ah hase ahaatee waxaa dunida ku nool dad bilyoneero ah oo qiimahaas lacageed uusan waxba la aheyn.

har har1 har2 har3