Daawo Muuqaal “Faah Faahin ku Saabsan Cabsi weyn oo soo wajahday Soomaalida ku nool Gobolka Kansas ee Mareykanka!!

Cabsi yo wel wel baaxad weyn ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday Soomaalida ku nool Gobolka Kansas ee dalkaas Mareykanka ka dib markii ay soo shaac baxday in koox Cunsuriyiin ah ay damaxsanaayeen inay Xasuuqaan Soomaalida ku dhaqan Gobalkaasi.


Soomaalaida ku nool magaalda Garden City ee Gobolka Kansas ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday cavsi iyo wel wel baaxad weyn ka dib markii ay cadaatey in koox Cunsuriyiin ah ay maleegayeen ay fal ay ku Qarxin lahaayeen xaafada ay Soomaalidu ka degan tahay magaaladaas, Kooxdaan oo Maleeshiyaad Cunsuriyiin ah oo la magac baxay “the Crusaders” ayaa Curtis Wayne Allen oo 49 sano jir ah, Gavin Wayne Wright oo asagana 49 sano jir ah iyo Patrick Eugene Stein oo 47 sano jir ah islamarkaana ka mid ah kooxdaas Cunsuriyiinta ah ayaa waxaa Xabsiga dhigay FBI dalkaas Mareykanka ka dib markii ay ku cadaatey inay damacsanaayeen inay gebi ahaanba ay dhulka dhigaan oo ay Qarxiyaan Xaafada Soomaalida ee magaaladaas ayagoona Qorsheynaayey inuusan qofna ka badbaadin Soomaalidaas Xataa Caruurta yar yar ee Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina iyadoo FBI dalkaas Mareykanka ay baaritaan iyo dabagal qoto dheer ka dib ay xabsiga dhigtey ragaas damacsanaa inay qaraxyada ay ka fuliyaan xaafada Soomaalida ee magaaladaas Garden City ayaa sidoo kale waxaa ragaas lagu qabtey qaraxyadii ay diyaarinayeen iyo qoraalo ku saabsan sida ay u fuin lahaayeen qaraxaas ayagoona damacsanaa inay qaraxaas ay fuliyaan maalinta ay ay Taariiqdu tahay 9ka Nofembar ee sanadkaan taas oo ku aadan maalin ka dib waqtiga doorashada Madaxweynaha dalkaas Mareykanka, Soomaalaida ku nool magaalada Garden City oo badankood isku urursaday Xaafad Kaliya taas oo ay ku nool yihiin ilaa 150 qofood ayaa sidoo kale Soomaalida magaaladaas ay badankood waxay ka shaqeeyaan Warshad Hilib oo ku taala Magaaladaas ayagoona halkaas ku leh Ganacsiyo iyo Masaajid, Ragaan Cunsuriyiinta ah ayaa hadii falkaas ku cadaado waxay Muteysan doonaan in lagu xukumo Xabsi Daa’in.

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com