Ciidamada Badda Galmudug oo Dooni Kalluumeysi ku qabtay Hobyo

Ciidamada Badda Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay dooni Kalluumeysi oo ay la socdeen Kalluumeysto ka soo jeedo Dalka Yemen.

Wararka ayaa sheegaya in Doonidaan oo si sharci darro ah uga kalluumeysaneysay Xeebaha Magaalada Hobyo inta aan la qaban is rasaaseyn ay dhexmartay kalluumeysatada la socotay iyo Ciidamada Badda Galmudug.

Israsaaseyntaasi ayaana dhaawac waxa uu ka soo gaaray Muwaadin  u dhashay Dalka Yemen.

Waxaana dhaawaca Ninkaasi lagu dabiibayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.