Ciidamada Ammaanka Kenya oo xiray Soomaali ay uga Shakiyeen Al Shabaab

Booliska Dowladda Kenya ayaa xabsiga dhigay labo Ruux oo Soomaali ah, kuwaasi oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Booliska, ayaa waxuu sheegay in Ciidamada Booliska ay soo qabteen labadan Ruux oo aad loo doon doonayay, kuwaasi oo uu ku eedeeyay in ay qorsheenayeen Weeraro ka dhan ah Kaniisado ku yaalla Magaalada Nairobi.

Taliyaha ayaa waxuu qeexay in tuhmaneyaasha ay ka qaadeen dikumiintiyo been abuur ah oo wateen, isagoo xusay in Raggan ay doonayeen fulinto weeraro lagu qaado goobaha la isugu yimaado iyo Kaniisado kale oo ku yaalla Caasimada Dalkaasi.

Booliska Kenya ayaa sidoo kale tilmaamay in Xubno kale oo Raggan la socday loo maleynayo in ay u soo baxsadeen dhanka Soomaaliya.

Tan iyo 2013-kii Dalka Kenya waxaa ka dhacay Weeraro kala duwan, oo ay ku dhinteen boqolaal Ruux oo Kenyaan ahaa, iyadoo weeraradaasi badankooda ay dhabarka u riteen Xoogaga Xarakada Al Shabaab.