Al Shabaab oo weerar Culus ku qaaday degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka laga heleyo degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Al Shabaab xalay ay weerar culus ku qaadeen degmadaasi.

Weerarka ayaa ahaa mid aad u culus islamarkaana geystay Khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in Al Shabaab ay Bartilmaameed ka dhigteen 2 Saldhig oo Ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin degmada Afmadow.

Illaa iyo iminka  ma jirto faah faahinno dheeraad ah oo ku aadan weerarkii xalay lagu qaaday degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.