Abwaan Dhuux: Abwaan Sangub ma dhiman, waana fiican yahay

Abwaan Xersi Dhuux Maxamed Wehliye oo ka mid ah Abwaanada degan Magaalada Muqdisho, ayaa si adag u beeniyay inuu geeriyooday Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise (Sangub).

Tani waxay ka dambeysay markii barraha bulshada lagu baahiyay in uu geeriyooday Abwaanka wayn ee Somaliyeed, ee Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise, oo maalmahaanba ku xanuunsanaayay Magaalada Muqdisho.

Abwaan Xersi Dhuux Maxamed, ayaa yiri “Qofka, qof nool waa dhintay dhahaya waxa uu ka helayo horta waxaan garan karno maahanba, koley Ilaahay baa la xisaabtamaya.”

“Waxa ay qabriga iyo geerida ula jeclaadeen anigu ma garanayo. Abwaanku waa Abwaan Somaliyeed oo sharaf leh, qiimo badan ku fadhiyo weeye. Koley waxay rabaan jawaabaha barrahooda waxaas oo kale marka ay geliyaan, dadka soo gel gelaya ayay dan ka leeyihiin.”

“Waxaan leeyahay Ilaahay ka cabsada, waxaasi sax maaha, waa khalad, sidaa hunguri laguma doono, sidaa sumcad laguma doono, sidaa share, comment iyo like laguma doono.”

Abwaan Dhuux oo la hadlay Idaacadda Shabelle, ayaa dadka Somaliyeed ugu baaqay inay u soo duceeyan Abwaan Sangub, oo xaaladiisu ay ka soo reynaysay 2-dii maalmood ee la soo dhaafay, sida uu yiri.